31
Jul
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ahaa wefdiga madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho ku tegey xarunta caafimaadka ee degaanka Reebanti.
Reebanti: 30 July 2024, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ahaa wefdiga madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho ku tegey xarunta caafimaadka ee degaanka Reebanti.
Madaxweynaha, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Wasiirka ayaa sheegay in xarunta caafimadka ee Reebanti dayactir iyo ballaarin lagu samayn doono si mustaqbalka looga dhigo xarun weyn oo daboosha dhammaan baahiyaha adeega caafimaadka loona dhamaystiri doono agabka ka dhimman, sidoo kale xarunta shaqaale cusub lagu soo xoojin doono.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Dani ayaa ku bogaadiyey Wasaradda Caafimaadka Puntland shaqada wanaagsan ee ay ka hayso goballada Puntland iyo hiigsiga wasaaradda ee ah gaaritaanka meelkasta oo bulsho ku noolyihiin, waxaana uu xusay in dawladda uu hogaamiyo ay ka go’antahay hormarinta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada deegaannada ka fog magaaloyinka, loona daadajin lahaa adeegyada Caafimaadka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.