30
Jul
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah wefdiga madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cadulaahi Deni ayaa si diiran loogu soo Dhoweeyey deegaanka Awrculus ee degmada Garowe.
Awrculus: 29 July 2024, Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah wefdiga madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cadulaahi Deni ayaa si diiran loogu soo Dhoweeyey deegaanka Awrculus ee degmada Garowe.
Madaxweynaha, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo wasiirka ayaa kormeeray xarunta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka halkaas oo ay kula kulmeen shaqaalaha xurunta waxayna warbixin ka siiyeen shaqada socota iyo adeega laga bixiyo oo iskugu jira dawaynta bukaanada, talaalka caruurta iyo daryeelka hooyada uurka leh.
Madaxweynaha Siciid Abdulaahi Dani ayaa ku bogaadiyey wasaradda caafimaadka Puntland shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen iyo gaaritaanka meelkasta oo bulsho ku noolyihiin waxaana uu xusay in dawladda uu hogaamiyo ay ka go’antahay horumarinta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada meelaha ka fog magaaloyinka, loona daadajin lahaa.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.