Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xuska todobaadka Naas-nuujinta sannad kasta adduunka laga xuso  bisha 8-aad.

18 Aug

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xuska todobaadka Naas-nuujinta sannad kasta adduunka laga xuso  bisha 8-aad.

Garoowe, Ogoosto 16. 2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xuska todobaadka Naas-nuujinta sannad kasta adduunka laga xuso  bisha 8-aad.

Waxaa shirkan ka soo qabgalay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr- Jaamac Faarax Xasan, agaasimayaasha wasaaradda qaarkood iyo hay’addaha wasaaradda la shaqeeya.

Shiikh Ismaaciil Xaaji Cabdi agaasimaha diinta iyo awqaafta wasaaradda cadaaladda oo furitaanka hadal ka jeediyey ayaa hadalkiisii ku yiri

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo xuska lagu xusayo layskuna  baraarujinayo muhiimada ay leedahay Naas-nuujinta, diinteena ayaa na faraysa in hooyadu ilmaha nuujiso laba sanno ee ugu horeysa, caafimaad ahaan iyo caqli ahaana ilmaha naaska nuugaa waa ka  fiicanyahay ilmaha aan naaska nuugin.”

Leon Paul madaxa caafimaadka Puntland ee hay’adda UNICEF oo isna ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka Puntland gaar ahaan qaybta nafaqada qabsoomida todobaadka Naas-nuujinta, hay’adda UNICEF waxaa markasta ka go’an inay qayb ka noqoto wacyigelinta iyo baraarujinta waalidiinta muhiimada naas-nuujinta ilmaha inta uu gaarayo 2 sano.”

Dr- Jaamac Faarax Xassan wasiirka wasaraadda caafimaadka Dowlada oo soo xiray xuska ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo xuskan lagu xusayo tododbaadka naas-nuujinta, sida dhammaanteen wada ognahay in ilmaha uu nuugo naaska hooyada waxay muhiim u tahay caafimaadkiisa iyo koritaankaee caqliga ilmaha, hadaba waxaan baraarujinayaa in hooyadu ay ilmaha naaska nuujiso inta uu ka gaarayo 2sano si gaar ah 6da bilood oo ugu horeysa in ilmaha la siiyo naaska oo keliya oo aan waxkale loogu darin.”

Wasiirka ayaa fariin udiray xarunaha hooyadu ku dhasho oo qaarkood abaalmarino ku bixiya in hooyada loo keeno caano boore iyo waxyaabaha la mid ah:-

“ Waxaan ka digayaa dhammaan xarumaha hooyadu ku dhasho in wasaaraddu il gaara ah ku eegi doonto shirkadaha ganacsiga ee hadiyadaha ku bixinaya caanaha iyo waxyaabaha la mid ah oo qaabka xayaysiinta ah lagu siinayo waalidiinta, cidda lagu ogaado ama lagu helana lagula xisaabtami doono Insha allah.”

 

 

 

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.