Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shir ku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya,
Garoowe: 30 Luulyo 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shir ku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya, oo ay ka wada qabgaleen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.
Shirkan oo heer Federaal ah oo ay martigelisey Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaa uu ujeedkiisu yahay taabagelinta sahan lagu ogaanayo xaalada saxda ah iyo addeegga laga helo xarumaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah, si loogu saleeyo qorshaha kor uqaadista addeegag caafimaadka ee dalka oo dhan.
Kulankan inta uu socdo waxaa ka qeybgelaya Agaasimeyaasha waaxyaha maareynta xogta Caafimaadka iyo Agaasimeyaasha Qorsheynta ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.