Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland xuska maalinta cudurrada dhimirka ku dhaca oo dunida sanad kasta maanta oo kale laga xuso adduunka.

10 Oct

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland xuska maalinta cudurrada dhimirka ku dhaca oo dunida sanad kasta maanta oo kale laga xuso adduunka.

Garoowe: 10 October 2024: Waxaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland xuska maalinta cudurrada dhimirka ku dhaca oo dunida sanad kasta maanta oo kale laga xuso adduunka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ay wehelinayeen wasiir kuxigeenka Dr Abdirashiid Hassan, wasiiru dawlaha Ahmed Shiikh Farax, lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey iyo agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig iyo qaar masuuliyiinta wasaaradda ayaa ka qaybgalay sidoo kale waxaaa joogay saraakiil ka socday hay’addaha WHO iyo PSI.

Sanadka ayaa waxa hal ku dhiga la qaatay ahaa xanuunada maskaxda ee ka yimaada shaqada, ahmiyada shaqaluhu u leyahay badqabka maskaxda iyo sidii loo badin lahaa wacyigalinta arimaha dhimirka cafimadka (Mental health Day)

Roda Ahmed oo ah lataliye caafimaad maskaxda iyo tababare kana socotay Prime Som counselling services oo ka hadashay munaasibada ayaa tiri:-

“ Waxaan wasaaradda caafimaadka uga mahadcelinayaa casumaada aad igu casunteen munaasibada maalinta dhimirka Aduunka oo sanadkasta aduunka laga xuso maanta oo kale, mawduuca sanadka la qaatayna ay ahayd mida shaqaalaha la kulmaan, balse aniga waxaan rabaa inaan dul istaago waxyaabaha qofka isaga la rabo inuu uga fogaado inuu ku dhaco xanuunka maskaxda, waxyaabaha qofka ku keena waxaa kamid ah qofka inuu isagu aaminaanyahay inuu mashquul badan haysto hadaba waxaa la raba qofka inuu isagu maamusho hawlihiisa shaqada sida inuu ukala hormarsado uuna dhaqaalaysto awoodiisa.”

Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka oo munaasibada lagu xusayay maalinta dhimirka aduunka hadal ka jeediyay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qaybgalo xuska maalinta dhimirka aduunka oo sanadkasta maanta oo kale laga xuso aduunka oo dhan looguna talagalay in la isku xasuusiyo dhibaatooyinka inta badan haysta qaar kamid ah bulshadeena una baahan in la dhawro la xanaaneeyo lana garab istaago,

sida la sheegay sanadka waxaa la qaatay hal ku dhiga ah cudurada maskaxda ee shaqada ka yimaada, waxaana WHO ku talinaysaa in laga joojiyo goobaha shaqada takoorka, bahdilka iyo faquuqa inta badan shaqaaluhu kala kulmaan madaxdooda shaqada, dawladaha ayaana masuuliyada koowaad ka saraantshay wax ka qabadka arimaha aan kor kusoo xusay, haddaba maxaa ka mid ah waxyabaha keena in shaqaaluhu la kulmaan cudurada maskaxda sida :- Shaqalahaa oo aan helin goob shaqo oo uu ku qanacsanyahay, shaqalaha oo la kulma takoor xaga shaqada ah taasoo uga timaada madaxdooda, mushahaarka uu ku shaqaynayo oo aan ku filnayn, rajo uu ka qabay in uu dalaco ama qof si iskaa wax uqabso ah meel uga shaqaynayay oo jaaniskii uu sugayay cid kale oo banaanka ka timid la siiyay iyo jiritaan la’aanta sharci shaqaalaha difaaca kaliya Soomaliyana aan ku koobnayn ee aduunka oo dhan ka jirta, kuwaas iyo kuwa kale oo badan ayaa ku keenta qofka shaqaalaha ah inuu ku dhaco xanuunka maskaxda, haddaba si intaas oo dhan wax looga qabto waxaa dawladda laga rabaa inay degdeg u diyaariso siyaasada dadka uu ku dhaco cudurka maskaxda lagu difaaci lahaa iyo kii shaqalahaa lagu difaaci lahaa si looga nabadgalo in ay kordhaan dadka cudurada ku dhacay ama la nool.”

Wasiirka Wasaaradda Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo munaasibada hal ka jeediyay ayaa yiri:-

“Waxaan soo dhawaynayaa maanta inaan ka soo qaybgalo munaasabadaaan lagu xusayo maalinta dhimirka dunida oo ka mid ah maalmaha ugu waaweyn aduunka laga xuso dhanka caafimaadka, maanta oo kale waxaa xusid mudan in aynu is xusuusino sidii aan u ogaan laheyn dadkeena wajahaya xanuunada dhimirka iyo in aan wanaajino la macaamilkooda xili walba. Ujeedada guud ee maalinta caafimaadka maskaxda adduunka ayaa ah in kor loo qaado ka warqabka arrimaha caafimaadka maskaxda ee adduunka oo dhan iyo in la abaabulo dadaallada lagu taageerayo caafimaadka maskaxda.”

“ Sanadka waxaa la qaatay sidii shaqaalaha loola socon lahaa xaaladooda, waxaan masuuliyad iska saari doonaa sidii fariinta ugaari lahayd xarumaha dawladda oo dhan, haday jiraan shaqaale maskax ahaan u xanuusanaya ogaado lana tarakoobo, dhibaatooyin badan ayaa keeni kara oo qofka shaqaalaha ah maskax ahaan wax usoo gaari kara, waxaana ugu waaweynn dhaqaalaha oo ku kooban , shaqada oo ku badan inay dhici karto inuusan helin mudnaantii uu mudnaa iyo dalacsiin labadaba, waxaanse ogahay dadka qaar inay soo iibsadaan xanuunka maskaxda madaama ay suuqa ka soo gataan balwadaha kala duwan, kadibna saacadihii uu nasan laha uu ku soo jeedo waxaana soo gaaraya inuu waasho madaama uusan helin nasashadii uu ubaahnaa.”

“ Waxaan ubaahanahay in la kordhiyo wacyiga bulshadeena taasoo lagu wacyigalinayo inay ka daayaa faquuqa iyo dhibaataynata dadka xanuusanaya,ka Wasaaradda caafimaadka ahaan waxaan qorshaynaynaa in diyaarino sharciyo lagu ilaaliyo, waxaan rajaynayaa tani inaysan xus kaliya noqon ee xarumaha dawladda la gaaro, wacyigalintada kor loo qaado, si loo yareero faquuqa iyo dhibaatooyinka loo gaysto dadkaan xanuusanaya.”

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment