Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wefti ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirar uga socdo Magaalada Nayroobi

04 Feb

Wefti ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirar uga socdo Magaalada Nayroobi

03,02,2021:-Waxaa asbuucaan ku sugan dalka Kenya gaar ahaan magalaada Nayroobi wefti ka socda wasaaradda caafimaadka puntland uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan ayna ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee w. caafimaadka Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo madaxa harumarinta caafimaadka Deeqa Muuse.

Waxay shirar gooni gooni ah la galeen deeq bixiyaasha caafimaadka (Somali Health sector Donors) dhawrkii beri ee la soo dhaafay waxay la kulmeen:
1- Safaaradda UK, qaybta Caafimaadka (DFID/FDCO) oo ay kala hadleen sidii dowladda UK usii xoojin lahayd mashruuca caafimaadka ee gobalka Karkaar oo ay dowladda Ingiriisku ka caawiso puntland, waxay isla garteen in mashruuca la sii wado wixii ka danbeeya bisha Maarsana ee sanadka 2021 taasoo la rajeynayo  in 3 sano oo cusub lagu daridoono. Safaaradda iyo wasaaraddu waxay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa in xal waara laga gaaro arrimah lagu si wadi doono mashaariicda caafimaadka.
2- Weftigu waxay kaloo la kulmeen safaaradda Germany gaar ahaa xafiiska horumarinta (KFW) waxay ka wada hadleen arrimaha caafimaadka puntland. Dowladda Garmalku waxay Puntland ka caawisaa arrimo badan oo ka mid yahay caafimaadku gaar ahaan daryeelka caafimaadka asaasiga ah ee Gobollada Mudug iyo Nugaal. Weftigu iyo safaarada Germalku waxay si qoto dheer uga wad hadaleen dhamaystirka dhismayaasha cisbitaaalada degmooyinka Goldogob, Burtinle iyo Bacaadweyn. Waxaa si gaar ah laysula meel dhigay arrinta dhismaha cisbitaalka weyn ee Garoowe kaas oo dhismihiisa iyo dayactirkiisu ay bilaabayso labada billood kadib.

3. Weftigu wuxuu kaloo la kulmay Safaaradda Finland gaar ahaan  Danjiraha dalka Finland ee soomaaliya iyo Madaxa arrimaha horumarinta. Weftiga ayaa warbixin ka siiyay guud ahaan Puntland iyo horumarka la sameeyay 2- dii sano ee la soo dhaafay.

Waxay si gaar uga wada hadleen sida dowladda Finland ay qayb uga qaadan lahayd arrimaha hortumarinta baahiyaha caafimaadka gaar ahaan caafimaadka taranta (Reproductive Health),  arinta shaybaarka Forensic lab iyo gaar ahaan kobcinta aqoonta xirfadlayaasha taas oo Finland ay horay uga caawin jirtey wasaaradda arrimaha aqoonyahano lataliyayaal oo dalka dib lagu soo cesho ee mashruuca MIDA FINNSOM .
Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA