Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Cudurada Faafa Dr Cali diiriye Siciid ayaa wasaaradda kaga qayb galay shir ku saabsanaa ka hortagga iyo xakamaynta cudurka duumada.

06 Jan

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimaha Waaxada Cudurada Faafa Dr Cali diiriye Siciid ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda kaga qayb galay shir ku saabsanaa waxqabadka waaxda ka ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurka duumada sanadkii 2020 kaas oo dib loogu eegayey xaalada Cudurka duumada iyo wixii laga qabtay sanadkii tagay.

Furitaanka shirka ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinkii la qabtay iyo in uu hoos u dhacay Cudurka duumadu Sanadkii 2020 gaar ahaan gobolka Bari magaalada Boosaaso oo ahayd meesha cudurku ugu badan yahay Puntland 10 sano ee ugu dambeeyey halkaasoo wasaaradda caafimaadku si joogta uga haysay shaqooyin ku saabsan ka hortag, baaris, daawayn iyo wacyigelin isugu jira oo lagula dacaalayey cudurka duumada.