Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Safar shaqo ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.

26 Jan

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Safar shaqo ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Safar shaqo ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.
22,Jan,2021:- Wasiirka ayaa safarkiisa waxa uu ka bilaamay deegaanka Wargaduud oo uu ka furay qayb cusub oo lagu kordhiyay xarunta caafimaadka ee deegaankaas laga dhisay. Dhismaha cusub ee ay dhiseen bulshada deegaanka ayaa wasaaradduna qalabaysay.
Degaankaan ayaa horay u lahaa xarun caafimaad oo horay looga dhisay kaas oo bixin jiray adeeg kooban, qaybtan cusub ee  lagu kordhiyay ayaa noqondoonta qaybta hooyadu ku dhalidoonto iyo meesha la seexin doono.
Wasiir Dr Jaamac Faarax Xasan oo xariga ka jaray qaybta cusub ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay, ugu horayn waxa uu bulshada uga mahadceliyey dhismahaan ay ku soo kordhiyeen xarunta, waxaana uu ku amaanay inay noqonayso mid looga baahanyahay in bulshadu isku tashi ku hirgaliyaan xarumaha caafimaadka.
Wasiirka ayaa xusay in ka wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin inay masuuliyada xarunta sii laba jibaaraan dhakhsana u qalabeeyeen qaybta cusub ayna shaqaale xirfadoodu sarayso ku soo kordhin doonaan kuwa hada shaqeeya.
Sidoo kale wasiirka ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay degaanka Suubaan ee Degmada Godob jiraan ee Gobolka Nugaal, kaas oo isna lagu kordhiyay lana balaariyay qaybtii horay ujirtay.
Wasiirka waxa safarkiisa ku wehelinayay gudoomiyaha Gobolka Nugaal, agaasimayaasha waaxyaha caafimaadka asaasiga ah, qorshaynta iyo Maamulka iyo maaliyada.
Wasiirka ayaa safarkiisa ugu sii gudbay degmada Eyl oo uu kormeeri doono xarumaha caafimaad ee ku yaala.

/>width=”760″ height=”528″ />

 

Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND