Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa maanta ka furmay tababarka tababarayaasha ee tallaalka Covid19.

13 Mar

Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa maanta ka furmay tababarka tababarayaasha ee tallaalka Covid19.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa maanta ka furmay tababarka tababarayaasha ee tallaalka Covid19.
Garowe:- 13/March/2021:- Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Puntland ka furmay tababarka tababarayaasha ee tallaalkaee  Covid-19 oo bishan dhammaadkeeda Soomaaliya la keeni doono.
Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay 30 qof oo ka kala socda wasaaradda caafimaadka Federaalka iyo wasaaraddaha caafimaadka dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka soomaaliya, waxaa sidoo kale tababarka bixinayey kana soo qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socdey hay’addaha UNICEF Iyo WHO.
Tababarkan oo socon doono laba maalmood ayaa lagu baran doonaa nooca tallaalka imanaya qaboojiyaasha ay ubaahanyihiin, dadka la siinayo iyo sida loo bixindoono.
Mohamed Jama Oo ka socday hay’adda WHO ayaa furitaanka tababarka ka yiri:-
“ Waxaan ugu horayn uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka Puntland sida ay noogu martigelisey wasaaradda caafimaadka iyo fududaynta qabsoomidda shirka iyo weliba soo dhoweyntii diiranayd ee nalaku soo dhoweeyey. waxaan tababarkan loogu talagalay inaad ka faa’iidaystaan si maamulada aad ka timaadeen aad ula wadaagtaan aqoonta aad halkan ka barataan.”
Cabdirisaaq Xagaa oo ka tirsan hay’adda UNICEF oo isagana tababarka ka hadlay ayaa yiri:-
“ waxaan idinku soo dhoweynayaa tababarkan oo muddo labo maalmood ah socondoona waxaa la doonayaa inaad aqoon fiican ka heli doontaan si tallaalka Covid-19. Tababarkan ayaa lagu barandoonaa tallaalka waxyaabaha uu u baahan yahay, sida loogu talagalay in loo isticmaalo qaboojiyayaasha uu u baahanyahay iyo dadka loogu talagalay in lagu bilaabo.”
Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-
“ waxaan idin ku soo dhowaynayaa wasaaradda caafimaadka Puntland waan ku faraxsanahay in maanta in maanta la qabto tababar noocan oo kale ah, taas oo muujinaysa in markii ugu horeysey dalka Soomaaliya uu imanayo tallaalka xanuunka adduunka saamaynta ku yeeshay ee Covid-19.”
Waxaan sidoo kale soo dhoweynayaa in tallaalku uu  bishan 25-keeda soo gaari doona Soomaaliya, laguna bilaabi doono Puntland oo leh qaboojiyaal fiican iyo innaan u diyaarsanahay wax kasta oo tallaalku u baahanyahay”.
“Waxaan rajaynayaa in tallaalkan qayb ka qaato ka bedqabka xannuunka  sida wadamada laga bilaabay ee horumarka fiican laga dareemay yaraynta xanuunka fiditaankiisa taasina inaga inoo tahay inaan sida ugu wanagsan uga faa’iidaysano.”

/>


Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND