Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta bilowday olole balaaran oo lagu bixinayo tallaalka Covid-19.

14 Sep

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta bilowday olole balaaran oo lagu bixinayo tallaalka Covid-19.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta bilowday olole balaaran oo lagu bixinayo tallaalka Covid-19.
13-09-2021:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Deegaanada Puntland ka bilowday Ololaha tallaalka Covid-19, waxaana olalaha uu socon doonaa 10 maalmood.
Xaflad lagu daahfurayay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ee gobolka Nugaal waxaana ka qaybgalay wasiiradda caafimaadka iyo waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka agaasime waaxeedka caafimaadka asaasiga ah.
“Wasiirka waxbarashada Puntland Abdulaahi Mohamed Xasan oo xafladda ka hadlay ayaa xusay muhiimadda tallaalka uu leeyahay, wasiirka ayaa wasaaradda uga mahadceliyay da’daalka ay ugu jirto inay tallaalka bulshada gaarsiiso intooda ugu badan aniguna maanta waxaan qaadanayaa tallaalka Johnson & Johnson oo aan doonayey inaan dalka Marykanka ka soo qaato laakiin aan ku faraxsanahay inaan maanta Garoowe ka qaadanayo, dadweynaha waxaan kula dardaarmayaa in tallaalka qaataan si naftaada iyo tan bulshadeena ubadbaadino.”
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo daahfuray tallaalka ayaa yiri:-
“Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan markale ku daahfurayno halkaan olole cusub oo dadkeena aan uga tallaalayno xanuunka Covid19, maanta waxaa Puntland hal mar tallaalku ka bilaabi doonaa 63 goobood oo ku yaalaa guud ahaan Puntland.
“Waxa keliya ee nagu soo kordhay ayaa ah tallaalka Johnson & Johnson oo hal mar la qaadanayo kaasoo laga soo saaray dalka Maraykanka, waxaanse dadweynaha kula wadaagayaa inaysan dadku ka fakerin tallaalkee ugu fiican ee tallaal kasta ee aad heshid inaad qaadatid si aad naftaadana u badbaadiso bulshada kalena uga ilaalisid.”
“Waxaan dadweynaha kula dardaarmayaa inay tallaalka qaataan, waxaan sidoo kale xusayaa xogta aan helnay dadka xanuunka udhintay 3 bilood ee la soo dhaafay inay ahaayeen kuwa aan tallaalnayn.”
“Waxaan ugu danbeyn uga mahadcelinayaa shaqaalaha caafimaadka ee maanta ololahan tallaalka ka shaqaynaya waxaana Ilaahey uga baryayaa sida naf hurka ah ee ay bulshadooda ugu adeegayaan inuu ka abaalmariyo.”

 

 

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA EE WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND