Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo baaritaan (Covid19) ku samaynaysa ka qaybgalayaasha shirka Heritage Garowe.

28 Dec

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo baaritaan (Covid19) ku samaynaysa ka qaybgalayaasha shirka Heritage Garowe.

27,Dec,2020:- Wasaaradda caafimaadka Puntland si ay ugudato waajibaadka ka saaran ilaalinta caafimaadka bulsho weynta soomaliyeed ee ka soo qaybgashay shirka machadka heritage ku qabnayso Garowe ayaa maanta baaritaan ku bilawday martida ka qaybgalaysa iyo kuwa gudaha Puntland ka imaanaya.

Hotelka martisoor oo shirka uu ka dhici doono ayaa si kumeel gaar ah ugu samaysay xarun dadka looga qaadayo baaritaanka, taasi oo qorshaha wasaaradda yahay in la ilaaliyo isku gudbida xanuunka iyo waliba yaraynta faafitaan uu samayn karo xanuunka (Covid19).
Wasaaradda ayaa sidoo kale hubin dhanka caafimaadka ku samaynaysay dadka safarka dibada ah ka imaanaya ee ka soo dagaya garoonka caalami ah ee Gen. Mohamed Abshir Garowe.
Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADACAAFIMAADKA DOWLADDA