Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo 27 bisha Maarso bilaabidoonta tallaalka Covid-19

20 Mar

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo 27 bisha Maarso bilaabidoonta tallaalka Covid-19

Garoowe:-20/03 /2021 Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo ay weheliyaan wasiirudowlaha wasaaradda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta shir guddoominayey kulan ay lahaayeen guddiga farsamo ee ka shaqaynayay qaabka loo bilaabayo tallaalka Covid-19, guddigan heer wasaaraddeed ayaa ka shaqaynayey tan iyo markii tallaalku soo gaaray Puntland 16 bishan ee aan ku jiro ee Maarso siddii looga shaqayn lahaa goobaha tallaalka laga billaabayo iyo siddii waqtiga ugu dhow loo gaarsiin lahaa.

Wasiirka ayaa shirka kadib warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa yiri:-
“ kadib markii uu soo gaaray Puntland tallaalka Covid19 Puntland waxaa wasaaraddu ka shaqaynaysey siddii loo diyaarin lahaa meelaha laga bixinayo tallaalka iyo siddii loo gaarsiin lahaa deegaanada Puntland iyo jaangoynta waqtiga tallaalka laga billaabayo Puntland.”
Shir aan maanta la yeeshay guddiga farsamo ee heer wasaaraddeed uuna hogaaminayo agaasimaha guud oo iskugu jira agaasimayaal dhakhaatiir, lataliyaal sare iyo saraakiil ka socday hay’addaha UNICEF iyo WHO, waxaana maanta idinla wadaagayaa in sabtida soo socota laga bilaabi doono bixinta tallaalka ilaa 30 xarumood kuwaasi oo ku kala yaala degmooyinka Puntland, waxaana anaga oo ka wada shaqaynayna guddi heer dowladda dhexe ah oo ay xubno ka yihiin Madaxtooyada, wasaaraddaha Warfaafinta, arrimaha gudaha waxbarashada aan bilownay diiwaangelinta dadka safka hore oo ay ka midyihiin macalimiinta dugsiyada, dhakhaartiirta, ciidmada booliska iyo dadka waaweyn.”
“Talaalka oo ah wajiga koowaad kana kooban 40,000 Dos waxaan ugu talagalnay in lagu talaalo ilaa 40,000 oo qof oo reer Puntland ah. Wasaaradda waxaa ka go’an in ay garaan dhammaan dadka loogu talagalay, sidoo kalena ay ilaaliyaan in ay dhacdo in wax ka khasaaraan tallaalka maadaama uu koobanyahay, wejiga labaad ee tallaalka ayaa qorshuhu yahay inuu Puntland soo gaaro labo toddobaad ilaa Saddex todobaad.”
Dhammaad .
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.