Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kulan looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyay Covid19 la qaadatay Hay’addaha caalamiga ah.

06 Aug

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kulan looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyay Covid19 la qaadatay Hay’addaha caalamiga ah.

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kulan looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyay xanuunka  COVID-19 la qaadatay Hay’addaha caalamiga ah.
05-Aug-2021:- Wasaaradda caafimaadka DOwladda Puntland ayaa maanta kulan xog waran ah iyo siddii looga wada shaqayn lahaa xanuunka OVID-19 la qaadatay hay’addaha caalamiga ah qaarkood.

Kulankan oo uu shir guddoomiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayna weheliyeen agaasimaha waaxyaha caafimaadka iyo lataliyaha wasaaradda, waxaana madaxa xogta wasaaraddda uu la wadaagay xogtii ugu danbeysay ee xanuunka OVID-19 taas oo ay ka muuqato sara-ukac uu sameeyay xanuunkani.
Kadib waxaa la isla falanqeeyay caqabadaha jira iyo siddii la isag kaashan lahaa xakamaynta xanuunkan.
Shirka ayaa wax badan lagaga hadlay talaalka cudurka COVID-19 oo ku diyaarsan xarumaha caafimadaadka Puntland, Agaasimaha guud wasaaradda Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa warbaahinta hadal kooban xafiiskiisa kusiiyey ayaa sheegay:-
“Waxaan maanta kulan wada qaadanay hay’addaha caalamiga ah kuwaas oo aanu la wadaagnay xogta xanuunka iyo sara-ukac uu sameeyey, waxaan sidoo kale isla qaadanay siddii aan uga wada shaqayn lahayn xakamayntiisa.”
“Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in 10 beri ee la soo dhaafay xanuunkan dad badan laga helay ayna u geeriyoodeen ilaa 10 qof, waxaa sidoo kale shaybaarku xaqiijiyay in nooca cusub oo ka halis badan kii hore uu yahay nooca hadda Puntland soo galay loona yaqaano Delta waana nooc wadamo oo Hindiya kamid tahay horay looga helay.”
“Waxaan dadweynaha u soo jeediyay in dib loo soo celiyo taxadarkii gaar ahaan afxirashada isku imaatinka sidoo kalena dadweynaha ay tallaalka qaataan kaas oo wasaaraddu dhammaan gobollada gaesey iyo degmooyinkaba.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.