Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qabatay xuska maalinta Qaaxada Adduunka.

25 Mar

Wasaaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qabatay xuska maalinta Qaaxada Adduunka.

Wasaaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qabatay xuska maalinta Qaaxada Adduunka.
Garoowe:- 24/ Maarso/2021:- Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland lagu qabtay xafladda maalinta Qaaxada Adduunka .”World TB Day” 24 Maarso 2021. Halkudhigga Sanadkan wuxuu ahaa “Saacaddu waxay qaraacaysaa wakhtigii Carib tirka cudurka Qaaxada .”

Agaasimaha guud wasaaradda Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo uu weheliyo agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo madaxa la dagaalanka qaaxada ee wasaaradda caafimaadka Dr Cali Xasan waxaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda hay’adaha World Vision Puntland iyo Mercy USA Puntland.
Munaasabada waxaa ka hadlay Dr  Cali Xasan , Madaxa ladagaalanka qaaxada wasaaradda caafimaadka puntland waxaana uu sheegay “Waxaan idinka mahadcelinayaa ka soo qaybgalka xafladdan aan ku xusayno maalinta qaaxada adduunka oo ah maalin wacyigelin la sameeyo la isna xusuusiyo sanadkii la soo dhaafay waxa qabsoomay iyo halka la tiigsanayo.”
“Puntland oo ay ku yaallaan 15 xarumood oo si bilaash ah loogu baaro looguna daweeyo dadweynaha iskaga shakiya ama laga helo xanuunkan, Sanadkasta waxaa xarumaha lagu daweeyaa in ku dhaw 2,000 oo qof , waxaa sidoo kale idin la wadaagayaa inaan xarun cusub sanadka ka furayno degmada Caluula ee gobolka Gardafu.”
“Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyiinta wasaaradda iyo hay’addaha nala shaqeeya sida ay markasta noo garab taaganyihiin.”
Sidoo kale waxaa kahadlay munaasbada madaxda hay’addaha World Vision Puntland iyo Mercy USA Cali salaad iyo Mohamuud oo sheegay inay sii wadayaan taageerida mashruuca ladagaalanka qaaxada ee ay wasaaradda kala shaqeeyaan, waxayna amaaneen sida fiican ee ay shaqada ugu wadaan Dr Cali Xasan iyo shaqaalaha la shaqeeya.
Ugu danbayn munaasabada waxaa soo xiray Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan waxaana uu yiri :-
“ Mihiim ayay ii tahay inaan maanta inaan idinkala soo qaybgalo maalintaan muhiimka ah oo lagu xusayo maalinta Qaaxada Adduunka .”World TB Day” oo sanadkasta maanta oo kale la qabto. Wasaaradda caafimaadka Puntland waxayu ugu mahadcelinaysaa masuuliyiinta qaybta qaaxada ee wasaaradda shaqaalaha xarumaha qaaxada ee Puntland iyo hay’addaha kala shaqeeya wasaaraddda.”
“ Wasaaradda caafimaadku waxay gacanta ku haysaa 15 xarumood oo ku kala yaala gobollada Puntland kuwaas bixiya adeeg baaritaan iyo mid daaweyn oo si bilaash ah loo siiyo dadweynaha booqda, waxaa sidoo kale wasaaradda caafimaadka oo ka duulaysa qorshaheeda ah addeegga loo dhoweeyo lana gaarsiiyo dadka meel kasta oo ay uga baahanyihiin si gaar ah meelaha laamiga ka baxsan sanadkana laga furi doono xaruntii 16 aad degmada Caluula ee Gobolka Gardafu iyadoo horayna uu uga furnaa Bargaal.”
“Ugu danbayn waxaan bulshada Puntland la wadaagayaa in maalinta sabtida ee todobaadka soo socda la bilaabi doono tallaalka Covid-19 waxaana ugu baaqayaa inay qataan.”
Dhammaad .
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland