Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Shirka wadatashi wasaaraddaha caafimaadka dowladdaha xubnaha ah dowladda federaalka iyo wasaaradda dhexe ee xukuumadda federaalka soomaaliya oo ka furmay Garoowe

05 Jul

Shirka wadatashi wasaaraddaha caafimaadka dowladdaha xubnaha ah dowladda federaalka iyo wasaaradda dhexe ee xukuumadda federaalka soomaaliya oo ka furmay Garoowe

Shirka wadatashi wasaaraddaha caafimaadka dowladdaha xubnaha ah dowladda federaalka iyo wasaaradda dhexe ee xukuumadda federaalka soomaaliya.

05-July-2021:- Waxaa maanta Garoowe ka furmay shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaaliya, shirkan oo ay martigelisey wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa socon doona saddexda maalmood ee soo socda waxaana dib loogu eegi doonaa waxa ka qabsoomay shirkii ka dhacay Muqdisho sanadkii dhammaaday.
Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay wasiiradda caafimaadka Puntland, Galmudug, Hiirshabelle,Juballand, Konfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Federaalka Soomaliya.
Shirka ayaa furitaankiisa waxaa hadalo ka jeediyay wasiiradda caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaliya, dhamaantood ayaa ka mahadceliyay soo dhowayntii qiimaha badnayd ee wasaaradda caafimaadka Puntland ugu samaysay imaatinkoodii iyo inta ay joogeen, waxay sidoo kale dhamaantood muujiyeen ahmiyadda uu dalka uleeyahay shirkani waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in natiijo wax ku ool ahi ka soo baxo maalmaha uu socdo.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:- “Wasiirka caafimaadka Federaalka Marwo Fosiyo wasiiradda caafimaadka ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya waxaan ku faraxsanahay inaan idinku soo dhoweeyo Puntland iyo inaan isugu nimaano sidii looga wada tashan lahaa caafimaadka dalkeena.
“Waxaan dhammaantiin wada ogtihiin halka uu marayo caafimaadka dalkeenu iyo guulaha la gaaray caqabado jira oo ay ugu weyntahay saamaynta uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid-19  wax badan oo qorshaysnaa caafimaadka in laga qabtana aan la wada gaarin.”
“Ugu danbeyn shirkaan waxaan ka rajeynayaa in natiijo wanaagsani ka soo baxo sidoo kalena la iskula qaato sidii loo sii hormarin lahaa caafimaadka dalkeena oo inagu masuuliyaddooda aan hayno.”
Wasiirka caafimaadka Dwladda Federaalka Soomaaliya Dr Foosiyo Abiikar Nuur oo shirka si rasmi ah u furtay ayaa tiri:-
“ Marka koowaad waxaan u mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka Puntland sida wanaagsan ee ay noo soo dhoweysey.“ Saddex maalmood ee shirku soconayo shaqo adag ayaa ina hortaala, taas oo looga hadlayo maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn wixii aan wada leenahay wixii aan kala leenahay aad nala wadaagtaan, waxaan ognahay awoodda dowladdaha xubnaha ka ah aysan isku mid ahayn xaga caafimaadka, waxaan rajaynayaa saddex beri inaan juhdi badan ku bixino sidii aan natiijo wax ku ool ah uga soo saari lahayn.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.