Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe qaybtii koowaad ee tallaalka COVID-19

16 Mar

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe qaybtii koowaad ee tallaalka COVID-19

Puntland waxaa maanta soo gaarey Tallaalka Covid-19
Garowe:- 16/03/2021:- Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe qaybtii koowaad ee tallaalka COVID-19 kana timid xarunta COVAX, oo ay Gacanweyn ka geysatay Hay’adda GAVI iyadoo dejintiisa ay qeyb weyn ka qaateen hay’addaha UN-ka ee WHO iyo UNICEF.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland , Dr Jamac Faarax Xasan oo ay weheliyeen wasiiru dowlaha wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta maalgashiga ayna goob joog ka ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo qaybo ka mid ah agaasime waaxeedyada, waxaa sidoo kale goobta joogey wakiilo ka socdey hay’adda UNICEF iyo WHO.
Munaasabada oo ka dhacday garoonka caalamiga ah Gen. Maxamed Abshir ayaa wasiirku hay’addaha WHO Iyo UNICEF kala wareegey tallaalka, waxayna wareejinta tallaalka kadib ay ka warbixiyeen tallaalka inta uu ka kooban yahay iyo dadka la siindoono.
Madaxa caafimaadka Puntland ee hay’adda UNICEF Leon Paul Rabarijaona oo wareejinta tallaalka ka hadlay ayaa yiri” Anigoo ku hadlaya afka hay’adda UNICEF waxaan maanta ku faraxsanahay inaan wasaaradda caafimaadka Puntland ku wareejiyo qaybtii koowaad ee tallaalka Covid-19, waxaannan rajeynayaa in sida ay tahay looga faa’iidaysan doono”.
Siciid Nuuriye oo ka socday hay’adda WHO ayaa isaguna ka hadlay wareejinta tallaalka ayaa sheegay “ Waxaan ku faraxsanahay in maanta Puntland uu soo gaaro tallaalkan oo waqtigii loogu baahi badnaa uu soo gaaray Soomaaliya waxaana rajaynayaa in wax badan oo ka badali doono halista xanuunka”.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr Jaamac Faarax Xasan oo ka hadlay ayaa yiri:-“ Farxad weyn ayay noo tahay ka wasiir ahaan iyo ka wasaaraadda caafimaadka ahaan maanta inaan la wareegno wejigii koowaad ee tallaalka Covid-19 oo dhan 40,000 oo xabo kaas oo aan doonayno inaan ka bilawno Puntland todobaad gudihii, tallaalka ayaan hada gayn doonaa qaybta qaboojinta ee wasaaradda waxaana uqaban doonaa kulan daahfur ah xiliga la bilaabayo iyo dadka ugu horeeya ee la siin doono Insha allaah.”
“Wasiirka ayaa ugu danbayn uga mahadceliyey hay’addaha UNICEF iyo WHO kaalintooda ay ka qaateen imaatinka tallaalkan iyo weliba shirkada soo saartay. Tallaalka Puntland maanta la keenay ayaa ka kooban 40,000 dose waxaana loo samayn doonaa xaflada lagu daahfurayo.”
>

/>width=”760″ height=”640″ />