Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka warbixiyay siday usocoto baaritaanka lagu samaynayo dadka ka qaybgalaya shirka Heritage Garowe.

28 Dec

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka warbixiyay siday usocoto baaritaanka lagu samaynayo dadka ka qaybgalaya shirka Heritage Garowe.

28,Dec,2020:- Dr Abdiraaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ku sugan hotel Martisoor oo wasaaraddu ilaa shalay ka waday baaritaan lagu samaynayo dadka ka qaybgalaya shirka heritage ku qabanayso Garowe oo bari bilaabanaya.
Agaasimaha oo warbixin kooban siiyay xafiiska warfaafinta wasaaradda ayaa sheegay in baaritaanku socdo ilaa shalayna ay baareen qaar kamid ah dadka shirka ka qaybgalaya, agaasimaha ayaa xusay in ilaa hada aysan jirin cid laga helay xanuunka balse hadii cid laga helo ay udiyaariyeen meelo gaar ah oo lagu haynayo.
Agaasimaha ayaa shacabka Puntland si gaar ah martida shirka ka qaybgalaysa inay ka taxadaraan badqabkooda ayna isticmaalaan waxyaabihii looga hortagayay.
Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADACAAFIMAADKA DOWLADDA