Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Oo maanta daahfuray hageyaasha caafimaadka ee caawinta ilmaha dhasha si unoolaado/badbaado.

20 Jan

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Oo maanta daahfuray hageyaasha caafimaadka ee caawinta ilmaha dhasha si unoolaado/badbaado.

19.Jan.2021:- Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’adda caalamiga ah badbaadada carruurta (Save the Children International) waxay daahfureen hageyaasha caafimaadka ee caawinta ilmaha si uu u noolaado/badbaado kuwaas oo loogu talagalay in loo isticmaalo (Every Newborn Action Plan- ENAP ) si loogu tababaro kadibna ay ku shaqeeyaan xirfadlayaasha caafimaadka ee fududeeya adeegyada dhalmada iyo daryeelka dhallaanka
Hageyaashan la tarjumay waxa loogu talo galay in loo isticmaalo tababbaridda shaaqaalaha caafimaadka ee xarumaha bixiya adeegyada dhalmada iyo daryeelka dhallaanka. Caawinta ilmaha si uu u noolaado; waxa uu ka koobanyahay sadex qaybood oo kala ah:
• Caawinta neefsiinta murjuca/ilmaha
• Daryeelka Asaasiga ah ee ilmaha miisaanka yar
• Daryeelka Asaasiga ah ee ilmo kasta.
Horay waxaa barnaamijkaan loogu tababaray 28 tababarayaal kuwaas oo sii tababaray 154 xirfadlayaal caafimaad oo laga keenay dhammaan gobolladda Puntland.
Sida qorshuhu yahay waxaa Iyana la tarjumi doonaa hageyaal kale oo ku saabsan badbaadada hooyadda xiliga dhalmada.
Madaxa Hay’adda caalamiga ah ee badbaadada carruurta (Save the Children International) Maxamed Cabduqaadir Siciid oo daahfurka ka hadlay ayaa xusay in ka hay’ad ahaan iyaga oo kaashanaya hay’adda caafimaadka adduunka iyo wasaaradda caafimaadka oo hogaaminta lahayd ay sameeyeen hageyaasha si loo badbaadiyo ilmaha dhalanaya iyo hooyada uurka leh, hageyaasha ayaa lagu tarjumay luuqadda Soomaaliga si xirfadlayaasha caafimaadka ay ugu fududaato fahamkiisa iyo ku dhaqankiisaba
Waxaan rajaynayaa in wax badan uu ka badali doono shaqada loo hayo hooyada uurka leh iyo ilmaha dhasha.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo isna daahfurka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay hay’adda (Save the Children International) diyaarinta iyo sida ay ugala shaqaysay in la soo saaro hageyaashaan oo ku qoran luuqadda soomaaliga, waxa uu sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay oo uu sheegy inay qayb ka qaadan doonto shaqo maalmeedka shaqaalaha caafimaadka iyo helitaanka hooyada uurka leh iyo ilmaha dhasha dhammaan adeegyada uu ubaahnaa.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in sanadihii la soo dhaafay ay yaraatay dhimashada hooyada uurka leh taasoo ay qayb ka tahay in wasaaraddu kor uqaaday helitaanka xirfadlayaasha caafimaadka ee hooyada uurka leh iyo ilmaheeda ayna heleen talooyin iyo ka warhayn joogto ah
Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADACAAFIMAADKA DOWLADDA