EPI (EXPANDED PROGRAMME ON IMMUNIZATION)

EPI (Expanded Programme on Immunization) waa barnaamijka ballaarinta tallaalka ee ka tirsan Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Ujeedkiisuna  yahay in laga hortago cudurrada halista ah ee carruurta iyo hooyada.
Qaybta EPI waxay qaabilsan tahay bixinta tallaallada muhiimka ah ee ka hortagga 8-da cudur ee ugu waaweyn ee carruurta ku dhaca, kuwaas oo kala ah:
• Jadeecada
• Dabeysha (Polio)
• Teetanada
• Qaaxada (ee carruurta)
• Jadeecada
• Duumada/Infalawansada (Hib, DPT, iyo Hepatitis B)
Tallaalladan waxaa lagu bixiyaa lacag la’aan xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee degmooyinka iyo gobollada dalka oo dhan, iyadoo lagaashanayo hay’ado caalami ah sida UNICEF iyo WHO.