Agaasimaha Guud wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso.
Agaasimaha Guud wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso.
Boosaaso, April,01,2022:- Dr- Abdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa 31- March- 2022 ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso.
Ardayda qalinjabinaysa oo ka koobnayd 251 Arday ayaa dhamaystay kuliyadaha, Medicine and surgery, Clinical Nursing,Clinical Midwifery, Public Health Iyo Nutrition.
Agaasimaha oo hadal ka jeediyay ayaa yiri ka hadlay muhiimada jaamacadaan uleedahay deegaanada Puntland gaar ahaan qaybta caafimaadka waxaana uu yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo farxada qalinjabinta ardayda dhamaysatay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada maantana gaaray hadafkoodi kadib dadaal iyo juhdi ay soo wadeen.”
“Waxaan xusayaa in Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ay ka mid tahay kuwa laf dhabarka u ah caafimaadka deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaliya, waxaan ku amaanayaa asaasaha jaamacada dadaalka uu galiyay iyo sida uu ugu soo dhabar adaygay sidii guusha maanta ay joogto ku soo gaari lahayd.”
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND