Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo bilowday daadejinta addeegyada Caafimaadka

07 Jan

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo bilowday daadejinta addeegyada Caafimaadka

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo bilowday daadajinta adeegyada Caafimaadka
06,Jan,2021:- Wasaaradda caafimaadka Puntland ayadoo hirgelinaysa siyaasadda Dowladda Puntland Ee Ku aadan daadajinta adeegyada bulshada, isla markaana la hirgelinayo awaamiirta xafiiska Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland oo hormuud u ah Maamul daadajinta Dowladda Puntland ayaa Wasaaraddu dardargelisay tilaabooyin lagu xaqiijinayo daadajinta adeegyada Caafimaadka waxaana todobaadkaan magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho tagay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda kuwaas oo kulamo lagu lafa gurayo sidii barnaamijka loo hirgelin lahaa la yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinkaas, waxayna kawada hadleen siddii loogu wareejin lahaa rugaha Caafimaadka ee degmooyinkaas ku yaala.

kulamadaan Oo ay qayb ka ahaayeen shaqaalaha Caafimaadka heer Gobol iyo heer Degmo, guddoomiyeyaasha degmooyinka, Qaar kamid ah hay’adaha bahwadaagta La ah Wasaaradda Caafimaadka, lataliyayaasha maamul daadajinta ee wasaaraddaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ayaa laysla gartay muhiimada ay leedahay daadajinta addeegyada Caafimaadka Waxaana laysla qaatay in todobaadyada soo socda si rasmi ah loo wareejiyo rugaha Caafimaadka Ee degmooyinka Boosaaso iyo Qardho.
Agaasime waaxeedyada qorshaynta iyo caafimaadka aas-aasiga ah Dr. Maxamed Maxamuud Xiddig iyo C/risaaq Abshir Xirsi ayaa sidoo kale kormeer Ku sameeyay qaar kamid ah xarumaha Caafimaadka oo dowladdaha hoose dayactir ku sameeyeen.
Barnaamijka Maamul daadajinta ayaa looga gol leeyahay si adeegyada aas-aasiga ah loogu dhoweeyo bulshada iyadoo ay iska kaashanayaan laamaha Kala duwan Ee Dowladda.
Degmooyinka Qardho iyo Boosaaso ayaa waxay noqonayaan kuwii saddexaad ee laga hirgalinayo barnaamijkan iyadoo wasaaraddu ay horay uga samaysay magaalada Garoowe.
Qorshaha wasaaradda ayaa ah in sanadka 2021 dhammaantood ama inta badan in lagu wareejiyo dowlahada hoose addeegyada caafimaadka ee ay qabtaan rugaha caafimaad ee halkaas ku yaala.
Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADACAAFIMAADKA DOWLADDA